Sunday, Sep 05th

Last update09:31:27 AM GMT

You are here:: Maqaallo Maqaallo Cabsi laga qabo hoos u dhac dhaqaale iyo sayladaha saamiyada oo wareeray

Cabsi laga qabo hoos u dhac dhaqaale iyo sayladaha saamiyada oo wareeray

Cabsi laga qabo dagaal ka dhex qarxa labada Kuuriyo iyo dhibaatooyin ka dhashay daymaha faraha badan ee lagu leeyahay waddamada ku bahoobay lacagta yuurooga (euro), siiba Giriigga iyo Isbayn ayaa sababay in hoos u dhac xooggani ku yimaado dhammaan saayladaha saamiyada adduunka.

 Meesha cabsida dagaalku salka ku hayso gujis askar badani ku dhinteen oo dejintiisa lagu eedeeyey Waqooyiga Kuuriya, dhibaatooyinka daymuhu inkastoo markii hore laga warhayey, haddana waxay meeshii ugu xumayd gaareen kadib markii Hay’ada Lacagaha Adduunku (IMF) ka digtey dhibaatooyinka ka dhalan kara guud ahaan daymaha Yurub, gaar ahaan kuwa Isbayn.

 Daymaha Yurub oo maalinba maalinta ka danbaysa ay baaxaddoodu sii ballaaranayso waxay abuureen cabsi laga qabo in qaar ka mid ah waddammada ku bahoobay lacagta yuuroogu fallisaan (default). Cabsidaasina waxay keentay in dadka ka ganacsada lacaguhu bilaabeen in ay iska iibiyaan lacagta yuurooga. Qaxaas laga qaxayo (la iska gadayo) lacagta yuurooguna wuxuu keenay in qiimaha yuuroogu si aad ah hoos ugu dhaco marka loo fiiriyo lacagaha kale, siiba doollarka Maraykanka. Tusaale ahaan, yuuroogu wuxuu gaaray meeshii ugu hoosaysay 18 bilood ee la soo dhaafay, sanadkaan oo kaliya wuxuu lumiyey 14% qiimihii uu ka joogay doollarka iyo 10% qiimihii uu ka joogay lacago la isu geeyey (basket of currencies).

Labadaas arrimood oo aan sare ku xusnay waxay sababeen jaahwareer iyo cabsi hor leh oo soo foodsaartay adduunka. Meesha jaahwareerka laga dareemayo sayladaha saamiyada adduunka oo maalinna soo kabanaya maalinna afka ciida la gelaya, cabsidu waxay salka ku haysaa qaylo dhaan ka soo yeeraya rag badan oo dhaqaalo yahanno ah oo ku doodaya in qarka loo saaran yahay in mar labaad dib loogu noqdo bur-burkii dhaqaale ee bilo ka hor laga soo doogay.

Dhinaca sayladaha saamiyada in kastoo ay saaka oo Arbaco ah soo kabteen, shalay kaliya waxay lumiyeen balaayiin lacag ah. Tusaale ahaan, sayladaha Maraykanku cel-celis ahaan waxay lumiyeen 2.8%, kuwa Aasiya 3%, kuwa Yurubna 2.5%. Sayladahaas qaarkood, sida midda UK waxayba gaareen meeshii ugu hoosaysay 10-kii bilood ee la soo dhaafay.

Cabsida bur-burka dhaqaale waxaa sabab looga dhigayaa dhowr arrimood: daymaha lagu leeyahay waddammada ku bahoobay yuurooga oo gaaray meeshii ugu xumayd intii la sameeyey lacagta yuurooga; doollarka maraykanka oo sii xoogaysanaya maalinba maalinta ka danbaysa; iyo qaab dhaqanka dadka ka ganacsada sayladaha saamiyada, lacagaha iyo daymaha.

Daymaha lagu leeyahay waddammada ku bahoobay yuuroogu waxay marayaan heer waddammo badani qarka u saran yihiin in ay falisaan (suuqa ka baxaan). Si loo yareeyo cabsidaas ayaa waddammo badan waxaa khasab looga dhigay in ay dhimaan kharashaadka dawlada. Arrintaas oo loo yaqaan ‘austerity measures’ waxaa mar hore ku dhawaaqay Giriiga, Isbayn iyo Bortuqaal. Waxaa sidoo kale shalay liiska ku soo biiray Talyaaniga. In la dhimo kharashka dawladu dhinac marka laga fiiriyo waa fiican yahay waayo wuxuu soo celinayaa kalsoonidii lagu qabay dhaqaalaha waddankaas, laakiin dhinaca kale marka laga fiiriyo wuxuu dheeraynayaa sidii looga soo bixi lahaa hoos u dhaca dhaqaalaha, waayo waxaa abuurmaya shaqo la’aan, waxaa hoo u dhacaya gadashada (spending), waxaa xirmaya warshado badan, waxaana dhici karta in la galo bohol aan si sahal ah hadhow looga soo bixi karin.

Meesha Yurub ay la jaahwareersan tahay qiime dhaca ku imaanaya yuurooga, Maraykanku wuxuu la jaahwareersan yahay doollarka sii xoogaysanaya maalinba maalinta ka danbaysa. Doollarka oo xoogaysta marka loo fiiriyo lacagaha kale, siiba waddammada ganacsigu ka dhexeeyo, waxay keenaysaa in badeecada warshadaysan ee Maraykanku soo saaro qaali noqoto marka loo fiiriyo badeecadaha ay soo saaraan waddammada kale. Qiimaha badeecadaada oo sare u kaca sarifka aawadiisna waxay keenaysaa in awoodda tartanku hoos u dhacdo. Hoos u dhacaasina wuxuu yaraynayaa xawaarihii taayirka dhaqaaluhu ku rogmayey. Waxaa aakhirka imaan kara in warshado badani kacaan, shaqo la’aantu sare u kacdo, waddankuna mar labaad dhadhamiyo dacartii hoos u dhaca dhaqaalaha. 
Arrinta ugu danbaysa oo la xiriirta qaab dhaqanka dadka ka ganacsada sayladaha saamiyada, lacagaha iyo daymaha, waa arrin sidii loo xakamayn lahaa oo shuruuc loogu dejin lahaa si aad ah loo hadal hayey dhowrkii asbuuc ee la soo dhaafay. Waddammada qaarkood, tusaale ahaan, Jarmalku waxayba gareen heer ay waxyaabaha qaarkood, sida waxa loogu yeero ‘naked short-selling’ mamnuucaan. ‘short-selling’ wuxuu yimaadaa marka qof saamiyo ama dayn sida ‘bonds’ uu deynto isagoon wax lacag ah bixin, dabadeedna uu iibiyo (isagoo saylada gelinaya warhoosaad sheegaya in sicirku hoos u dhici doono), dabadeedna marka sicirku hoos u dhaco dib u soo gata oo u celiya bangigii ama hay’adii uu ka soo dayntay. Sida qaalibka ah waxaa dadkaasi ka faa’iidaan 2%-10%, mararka qaarkoodna ilaa 50%.

Isku soo duuduuboo, dhacdooyinka hareeyey sayladaha adduunka maalmihii la soo dhaafay: waxay tir-tireen balaayiin doolar; shaki geliyeen ka soo kabashadii hoos u dhaca dhaqaalaha adduunka; gilgileen dhaqaalaha waddammo badan; abuureena jawi cabsi iyo argagax leh. Malmaha soo socda ayaan mar labaad soo bandhigi doonnaa in dawooyinka siyaasiyiintu u qoreen jirooyinkaas ay uga sii daraan iyo in ay rajo abuuraan.

Saciid Cali Shire
Buuh Consulting LTD