Sunday, Sep 05th

Last update09:31:27 AM GMT

You are here:: Maqaallo

Afrika iyo horumarka qarniga

Meesha Afrika waagii hore lala xiriirin jiray dib u dhac, colaad, faqri iyo musuqmaasuq, wixii ka danbeeyey 2000 Afrika waxay noqotay awood dhaqaale, astaan horumar, iyo hoy ganacsi iyo maalgelin. Isbeddellada dhaqaale, siyaasadeed iyo mujtamac ee ka soo ifbaxay Afrika tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa saldhig u ahaa hoggaan tayo leh oo sameeyey hiraal qaran iyo habayn dhaqaale. Hoggaankaas wanaagsan ayaana qayb ahaan loo aaneeyaa kobocaas dhaqaale oo wixii ka danbeeyey 2000 celcelis ahaan madaxa la dhaafay 4.9%, waddammada qaarkoodna gaarayey 10%.

Akhri qoraalka oo dhan

Cabsi laga qabo hoos u dhac dhaqaale iyo sayladaha saamiyada oo wareeray

Cabsi laga qabo dagaal ka dhex qarxa labada Kuuriyo iyo dhibaatooyin ka dhashay daymaha faraha badan ee lagu leeyahay waddamada ku bahoobay lacagta yuurooga (euro), siiba Giriigga iyo Isbayn ayaa sababay in hoos u dhac xooggani ku yimaado dhammaan saayladaha saamiyada adduunka.

Read more...

Daahfur buug cusub - Qaamuuska Ganacsiga

Waxaa dadweynaha cilmiga iyo xikmadda qiimeeya ee ku nool guud ahaan UK gaar ahaan London lagu wargelinayaa in magaalada London lagu qaban doono daahfur loo samayn doono buuggii cusubaa, Qaamuuska Ganacsiga, ee uu qoray Inj. Cabdifitaax Gacma dheere. 

Read more...

Sayladaha saamiyada adduunka oo soo kabtay

Sayladaha saamiyada ee caalamka ayaa ka soo kabtay hoos u dhicii hareeyey labadii asbuuc ee la soo dhaafay. Hoos u dhacaas oo salka ku hayey jaahwareerkii dhaqaale ee soo foodsaaray Giriigga ayaa hadda u muuqda mid laga moosay Yurub inteeda kale iyo caalamka labadaba.

Read more...

Saamiyada Maraykanka oo hoos u dhac ku yimid

Hoos u dhaca ku yimid sayladda saamiyada ee Dow Jones oo bilaabmay abbaarihii 10-kii subaxnimo ee xilliga New York wuxuu meeshii ugu xumayd gaaray 14:48. Hoos u dhacaas oo ahaa kii ugu xumaa ee dhaca maalin gudeheed ee sayladaas soo mara intii ka danbaysay 1986-dii, wuxuu gaaray heer uu lumiyey wax ku dhow 1000 dhibcood ama 9%.

Read more...

Sayladah saamiyada Yurub oo dharbaaxo ku dhacday

Cabsi laga qabo in lacagihii madaxa la dhaafayey €120 bilyan ee lagu baritaaray dhaqaalaha Giriiggu aysan xallin karin dhibaatada Giriigga (ku filayn) iyo in dhibaatadu u gudbi doonto waddammo cusub, siiba Isbayn iyo Burtuqaal, ayaa saldhig u ahaa jaahwareerkii ka muuqday sayladaha saamiyada (stock markets) ee Yurub iyo Maraykanka.

Read more...

Dhibaatada dhaqaale ee Giriigga - Milicsi

Meesha bilowgii asbuucaan rajo weyn laga qabay in la samata bixin doono dhaqaalaha, xukuumadda iyo sumcadda Griiga intaba, saaka , shacabka iyo xukuumadda Griigu, labaduba, waxay la soo waabariisteen naxdin iyo argagax.

Akhri qoraalka oo dhammaystiran

Page 1 of 3

  • «
  •  Start 
  •  Prev 
  •  1 
  •  2 
  •  3 
  •  Next 
  •  End 
  • »